7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 16, 2022
Dowladda Soomaaliya oo bilowday diiwaan-galinta shirkadaha shaqaalaha Soomaalidda u qaada dibadda
 

Arbaco, Maarso, 16, 2022 (HOL) - Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdiwahaab Ugaas Xuseen Ugaas Khaliif, ayaa maanta shaaciyay in diiwaangalin cusub ay u billaabatay shirkadaha shaqaalaha u qaada dibadda, si loo waafajiyo habraaca shaqo-siinta dibadda ee shaqaalaha xoogsatada Soomaaliyeed.

Golaha Wasiirrada Xukuumadda ayaa 17-ka bishii June ee sannadkii 2021 ansixiyay habraaca, kaddib markii Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ay horgeysay golaha.

Wasiirka ayaa sheegay inay ka go’antahay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada dhowrista xuquuqda muwaadiniinta Soomaaliyeed ee shaqooyinka u tagaya dibadda, isagoo intaa ku daray in habraaca ay ansixiyeen Golaha Wasiirrada uu ilaalinayo xaquuqda iyo sharafka muwaadiniinta.

Sidoo kale wuxuu wasiirka xaqiijiyay in 1-da bisha April 2022, ay tahay waqtiga kama dambeysta ah ee shirkadaha ay dibadda u qaadi karaan shaqaalaha, iyadoo wixii intaa ka horeeya looga baahanyahay dhammaan shirkadaha inay maraan diiwaan-galin cusub oo lagu dhaqan-galiyo habraaca.

“Waxaan faraya shirkadda inay diiwaan-galinta cusub maraan. Hay’adaha Dawladda ee ay arrintan quseyso oo amniga , socdaalka iyo duulista ugu horreeyaan ayaan gaarsiinayna in aysan dibadda shaqaalo u qaadi karin shirkadda aan marin diiwaangalinta cusub ee la waafajinayo habraaca.” ayuu ku yiri shirkiisa jaraa'iid ee maanta.

Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ayaa hoosta ka xariiqday in ay heshiisyo iyo is-afgarad lagu ballaarinayo fursadaha shaqada iyo dhowrista xuquuqda muwaadiniinta la gaartay waddamada shaqooyinka ay u tagaan xoogsatada Soomaaliyeed.

Hassan Istiila, Hiiraan Online
[email protected]