7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 16, 2022
Wasiirka maaliyadda oo warbixin ku saabsan dib-u-habeynta dhaqaallaha siiyay hay’adda IMF
 

Arbaco, Maarso, 16, 2022 (HOL) - Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, ayaa maanta warbixin ku saabsan dib-u-habeynta iyo isbaddalada dhaqaallaha dalka siiyay hoggaanka sare ee Paris Club, kaas oo ay ku midaysan yihiin dalal badan oo Soomaaliya ku leh deyn.

“Ururka Naadiga Paris iyo xubnaha naadigu waxay muujiyeen dadaal weyn oo lagu taageerayo isbaddalada Soomaaliya ee hannaanka deyn-cafinta. Waxaa naga go'an in aan sii wadno dib-u-habeynta maaliyadda dalka, ilaa aan ka gaarno guusha ugu dambeysa” ayuu yiri wasiirka.

7-dii bishan hay’adda IMF ayaa soo saartay war-saxaafadeed ku saabsan natiijada ka soo baxday shirkii dib-u-eegista 2aad iyo 3aad ee Barnaamijka Deyn-Cafinta (ECF) ee Soomaaliya ay la yeelatay labadii toddobaad ee xiligaasi ka horreeyay hay`addaha Bangiga Adduunka iyo IMF.

War-saxaafadeedka ayaa muujiyay dadaalada dowladda Soomaaliya ee dib-u-habeynta maaliyadda, iyada oo dalka uu ku jiro abaaro, COVID-19 iyo isbaddelka cimilada.

“Ururka Naadiga Paris Club waxaa ay maanta iga wareysanayeen wixii na kala dhex maray annaga iyo IMF, iyagoo arkay war-saxaafadeedkii kasoo baxay IMF, haddana waxaa ay naga doonayeen macluumaad dheeri ah” ayuu yiri wasiirka.

Hassan Istiila, Hiiraan Online
[email protected]