7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 16, 2022
Golaha Midowga Musharaxiinta oo soo dhaweeyay jadwalkii ay soo saareen Guddiga Doorashooyinka Heer Fedaraal
 

Arbaco, Maarso, 16, 2022 (HOL) - Golaha Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya ayaa soo saaray qoraal ay kusoo dhaweynayaan, islamarkaana ay kaga digayaan in la carqaladeeyo jadwalkii ay soo saareen guddiga doorashada heer Fedaraal, kaasoo ahaa mid lagu shaaciyay xiliga dhameystirka iyo dhaarinta Xildhibaanada labada Gole ee Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya.

War saxaafadeed kasoo baxay Golaha ayaa sidoo kale waxay ku sheegeen in guddiga doorashada heer Federaal loo madax banaaneeyo fulinta waajibaadka saaran.

Hadalkaan Maanta ka soo baxay Golaha Midowga Musharixiinta Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ku soo aadaya xili maamulada Galmudug iyo Koonfur Galbeed ay si cad uga hor yimaadeen Jadwalka ay soo saareen Guddiga Doorashooyinka Heer Fedaraal, iyagoona oo sheegay in aan lagala tashan jadwalka.

Hoos ka akhriso Warsaxafadeedka Musharaxiinta oo dhameystiran:-


Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online