7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 16, 2022
Safiirka Mareykanka: Lama wadaageyno dad weynaha magacyada shaqsiyaadka la saaray xayiraada socdaalka
 

Arbaco, Maarso, 16, 2022 (HOL) - Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Larry André oo wareysi siiyay mid kamid ah warbaahinta maxaliga ah, ayaa sheegay in sharcigooda uu dhigayo in aan dad weynaha lala wadaagin heerka fiisaha ee shakhsiga.

Mareykanka ayaa bishii hore shaaca ka qaaday inay xayiraad dhinaca socdaalka ah ku soo rogeen mas'uuliyiin hadda ka tirsan dowladda federaalka iyo kuwa hore, kaddib markii lagu eedeeyay carqaladeynta geeddi-socodka dimuqraadiyadda Soomaaliya.

“Inta badan waxaa nala weydiiyaa liiska shaqsiyaadka la xaddiday. Sharcigeena ma dhigayo in dad weynaha aan la wadaagno heerka fiisaha ee shakhsiga. Kuwa ay khusayso xaddidaaddaasi waxaa ay ogaan doonaan goorta iyo haddii ay dalbanayaan fiisaha, ama marka joojinta fiisahii horay loo soo saaray lala xiriiriyo” ayuu yiri.

“Qaar ka mid ah hoggaamiyayaasha siyaasada ee caanka ah ayaa si cad danaha shaqsiga uga hormariyay danta qaranka, sidaas darteedna waxay halis galiyeen qarankooda, sidoo kalena halis geliyey maal-gashigii faraha badnaa ee dadka Maraykanku ay ku sameeyeen soo noolaynta Soomaaliya. Waxaan leenahay kuwa khatarta ku ah xasiloonida iyo dimoqraadiyadda curdunka ah ee Soomaaliya, iyo xubnaha qoyskooda, lagama soo dhoweyn doono waddankeena”, ayuu yiri.

Dad badan ayaa aad u xiiseynayay in ay oggaadaan dadka ku jira liiska kuwa la xayiray tan iyo markii Mareykanka uu shaaciyay xayiraada dhinaca socdaalka.

Hassan Istiila, Hiiraan Online
[email protected]