7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 16, 2022
Taliyeyaasha ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika oo ku jira wada-hadallo ku saabsan sidii loogu wareejin lahaa howlgalka cusub
 

Arbaco, Maarso, 16, 2022 (HOL) - Saraakiil sarsare oo ka tirsan talisyada ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM ayaa waxaa u furmay shir socon doona muddo shan maalmood ah, kaasoo looga hadlayo qaabka uu u dhici doono howlgalka cusub ee taageerada nabada Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS).

Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya, Francisco Madeira, ayaa sheegay shirkan in la iskula meel dhigayo habab kala duwan oo looga gudbayo marxalada xilliga kala guurka ah, iyo sidoo kale iyadoo laga doodayo qorshayaasha hawlgelinta howlgalka cusub.

AMISOM oo Soomaaliya ka howlgalaysay tan iyo 2007-dii ayaa lagu bedelayaa howlgal cusub oo loogu magac daray howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS), laga bilaabo 1-da Abriil.

“Shirkan, oo ah kii ugu dambeeyay ee loo igmaday AMISOM, waxa uu astaan muhiim ah u noqon doonaa qorshaha nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya, iyadoo AMISOM ay u gudbayso ATMIS, taasoo ugu dambeyntii ku wareejin doonta mas’uuliyadda amniga Soomaaliya dhammaadka 2024. ” Amb, Madeira ayaa sidaas yiri.

Shirkan ayaa waxaa ka soo qeyb galay wakiilo ka kala socday dowladda, taliyeyaasha ciidamada XDS iyo AMISOM, iyo saraakiil ka socotay Qaramada Midoobay iyo saaxiibo badan oo caalami ah.

Amb, Madeira waxa uu sheegay in shirkan oo haatan ka socda Muqdisho uu yahay mid looga gudbi karo howlo badan oo dhanka amniga ah oo ay Soomaaliya dib usoo ceshaneyso xasiloonideedii.

Qorshaha kala guurka ee Soomaaliya oo markii ugu horreysay bishii December 2017 ay Soomaaliya iyo beesha caalamka ku heshiiyeen, ayaa faahfaahinaya habraacyada looga dan leeyahay in Soomaaliya ay si buuxda ula wareegto ammaankeeda.

Waxaa la filayaa in gabagabada shirkan ay dhinacyada ugu muhiimsan ay isku afgartaan qaabka dhabta ah ee la wareegida xarumaha ay ku sugan yihiin ciidamada AMISOM.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online