7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 16, 2022
Askar Kenyan ah oo lagu dilay qarax ka dhacay gobolka Gedo

Arbaco, Maarso, 16, 2022 (HOL) - Sagaal askari oo Kenyan ah oo ka tirsan howlgalka Midowga Africa ee AMISOM ayaa la dilay, halka shan kalana ay dhaawacmeen, kaddib markii gaari ay saarnaayeen uu qarax ku qabsaday deegaanka Gherille ee hoos yimaada gobolka Gedo.

Weerarka oo dhacay gelinkii dambe ee Isniinta, ayaa ka dambeeyay kaddib markii gaari xamuul ah oo ciidanka ay saarnaayeen uu dul maray qarax ay al Shabaab ku aaseen waddada dhinaceeda.

Gaariga xamuulka ayaa waday biyo uu kasoo dhaamiyay deegaan ku yaalla gudaha dalka Kenya. Wasaaradda gaashaandhigga ma aysan faahfaahin arrimaha ku saabsan weerarka balse sawirro ayaa muujinaya in gaariga uu aad u burburay.

Askartii ku dhaawacmay weerarka ayaa loo duuliyay magaalada Nairobi si loogu daaweeyo.

Ciidanka difaaca dalka Kenya ee KDF ayaa galay dalka Soomaaliya bishii Oktoobar 2011, kaddib markii labo gabdhood oo Isbaanish ah oo u shaqeynayay hay’adda MSF laga afduubtay xerada qaxootiga Dhadhaab. Kenya ayaa markii dambe ciidankeeda ku biirisay howlgalka Midowga Africa ee AMISOM.

Hassan Istiila, Hiiraan Online
[email protected]