7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 16, 2022
Senatarada Maraykanka oo taageeray in Maraykanku uu ciidamo usoo diro Soomaaliya
 

Arbaco, Maarso, 16, 2022 (HOL) - Dowladda Maraykanka ayaa lagu wadaa inay ciidamo geyso Soomaaliya si ay u xakameeyaan khatarta ururka al-Shabaab ee sii kordhaysa sida uu taliyaha ciidamada Maraykanka ee Afrika u sheegay senetarada Talaadadii. 

Gen. Stephen Townsend ayaa sheegay in al-Shabaab ay ka mid tahay kooxaha adduunka ugu kobaca badan, ugu dakhliga badan islamarkaana khatarta ku ah Maraykanka iyo joogitaankiisa Soomaaliya.

Townsend ayaa ka codsaday Aqalka Cad in dhowr boqol oo askari loo diro Soomaaliya, sida uu qoray wargeyska Wall Street Journal todobaadkii hore. 

Xildhibaanada ayaa Talaadadii sheegay inay taageersan yihiin in la kordhiyo joogitaanka ciidamada Mareykanka ee Soomaaliya.

Sen. James Inhofe, R-Okla., oo ah xubinta ugu sareysa ee Guddiga Adeegga Hubka ee Senate-ka, ayaa sheegay in uu ka soo horjeedo amarkii maamulka Trump ee ah in ciidamada Mareykanka laga saaro Soomaaliya, laguna tiirsanaado awoodda hawada sare ee ka hortagga argagixisada Soomaaliya.

Si kastaba ha ahaatee, Maraykanka ayaa hadda u muuqda mid ahmiyad gaar ah siinaya dagaalka uu kula jiro kooxda Alshabaab. Sannadkan labadii duqayn ee ugu horraysay ayuu ka fuliyay Soomaaliya.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online