7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 16, 2022
Guddiga Doorashada Jubbaland oo shaaciyay liiska kuraasta taala deegaan doorshada labaad ee Garbahaareey
 

Arbaco, Maarso, 16, 2022 (HOL) - Guddiga doorashooyinka maamulka Jubbaland ayaa soo saaray liiska doorashada 16 kursi oo ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya, kuwaas oo deegaan doorashadoodu tahay magaalada Garbahaareey ee gobolka Gedo.

War qoraal oo kasoo baxay guddiga doorashada Jubbaland ayaa lagu sheegay in doorashada 16-ka kursi ay ku qaban doonaan muddo laba todobaad gudahood ah, walow aysan cadeyn halka ay ku qabanayaan doorashada 16-ka kursi.

Kuraasta la shaaciyay ee taala deegaan doorashada labaad ee Jubbaland ayaa kala ah HOP 065, HOP 078, HOP 087, HOP 090, HOP 091, HOP 100, HOP 102, HOP 110, HOP 116, HOP 117, HOP 119, HOP 122, HOP 123, HOP 125, HOP 131, HOP 216.

Kuraastaan la shaaciyay doorashadoodu waxaa mudo dheer ka taagna khilaaf  xoogan oo u dhaxeeya madaxda maamulka Jubbaland iyo kuwa gobolka Gedo oo garab ka helaya madaxweyne Farmaajo, mana jirto heshiis rasmi ah oo laga gaaray hab maamulka kuraasta guddiga doorashada Jubbaland ay shaaciyeen, waxaana xusid mudan in guddi uu Raysal wasaare Rooble u magacaabay magaalada Garbahaarey si ay qiimeyn ugu soo sameeyaan xaalada doorashada magaaladaas inay ka hor yimaadeen maamulka degmada iyo kan Gobolka Gedo.

Hoos ka akhriso liiska 16-ka kursi ay shaaciyeen guddiga doorashada Jubbaland:-


Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online