7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 15, 2022
Mareykanka oo ka hadlay dib-u-dhaca kale ee doorashada Golaha Shacabka
 

Talaado, Maarso, 15, 2022 (HOL) - Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya oo qoraal soo dhigtay barta Twitter-ka, ayaa hoosta ka xariiqday in dowlad-gobolleedyada Koonfur-Galbeed iyo Galmudug ay doorashada Golaha Shacabka kusoo gabo-gabeeyeen waqtigii lagu ballamay ee 15-ka bishan Maarso.

Halka safaarada ay niyad jab ku tilmaamtay madaxweynayaasha Jubbaland, Puntland iyo Hirshabelle oo markale seegay waqti kale oo muhiim ah. Waxaa xusid mudan in maamulka Puntland uu caawa shaaciyay in 18-ka bishan Maarso la qaban doono doorashada lixdii kursi ee ugu dambeeysay dhankooda.

Dhinaca kale doorashada 16-ka kursi ee gobolka Gedo ayaa wali waxaa ka taagan heshiis la’aan, taas oo ah caqabad kale oo ku hor gudban dhammeystirka doorashada, halka maamulka Hirshabelle wali uusan soo gabo-gabeynin deegaan doorashada labaad ee Beledweyne.

Dowladda Mareykanka ayaa bishii hore shaaca ka qaaday inay xayiraad dhinaca socdaalka ah ku soo rogtay mas'uuliyiin hadda ka tirsan dowladda federaalka iyo kuwa hore, kaddib markii lagu eedeeyay carqaladeynta geeddi-socodka dimuqraadiyadda Soomaaliya.

Balse hadda lama ogga talaabada xigta ee uu qaadin doono Mareykanka, maadaama markale dib looga dhacay waqtigii madaxda Soomaalidda ay ku heshiiyeen in doorashada lagu soo gabo-gabeyn doonno.

Hassan Istiila, Hiiraan Online
[email protected]