7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 15, 2022
Guddiga doorashada Puntland oo shaaciyay kuraastii ugu dambeysay ee doorashada aqalka hoose
 

Talaado, Maarso, 15, 2022 (HOL) - Guddiga Maamulka Doorashada Heer Dowlad Goboleed ee Puntland ayaa galabta shaaciyey Jadwalka qabashada Doorashada 6-dii kursi ee ugu danbeysa xubnaha golaha Shacabka ee Puntland ku metalaya Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Qaar kamid ah Kuraastan ayaa maalmihii ugu dambeeyay uu muran badan ka taagnaa kadib markii ay beelaha iska leh kuraastaan ay ka hor yimaadeen in loo xiro cid gaar ah, sida horey uga dhacday doorashooyinkii Garowe iyo Boosaaso.

Madaxweynaha Puntland Siciid Deni ayaa doonaya in kuraastaan ay kusoo baxaan xubno katirsan maamulkiisa sida guddoomiyaha gobolka Mudug Cabdiladiif Muuse Noor ( Sanyare) iyo agaasimaha guud wasaaradda duulista Puntland, Cismaan Xoosh.

Kulamo uu madaxweyne Deni Garowe kula yeeshay Isimada beelahan ayaa kusoo dhamaaday natiijo la'aan, lamase oga in saacadihii ugu dambeeyay ay wax iska beddeleen mowqifka odayaasha.

Kuraastaan ayaa la filayaa inay noqdaan kuraastii ugu horraysay ee Puntland ee si furan loogu tartamo.


Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online