7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 15, 2022
Guddiga doorashada Jubbaland oo shaaciyay jadwalka doorashada kuraastii ugu dambeysay deegaan doorashada Kismaayo
 

Talaado, Maarso, 15, 2022 (HOL) - Guddiga Hirgalinta Doorashooyinka maamulka Jubbaland ayaa soo saaray jadwalka qabashada doorashada 4-kursi oo kamid ah kuraasta Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya ee deegaan doorashadoodu tahay magaalada Kismaayo.

Afarta kursi oo ay shaaciyeen guddiga doorashada Jubbaland ayaa ah kuraastii ugu dambeeysay ee taalay magaalada Kismaayo kuwaas oo tirsigoodu kala yahay HOP029, HOP124, HOP133, HOP219.

Diiwaan gelinta afartaan kursi ayaa bilaabaneysa 20-ka bishaan Maarso, iyadoona doorashada ay dhici doonto 21-ka bishaan Maarso ku beegan Isniinta soo socota.

Si kaataba ha ahaatee iyadoo afartaan kursi ay yihiin kuwii ugu dambeeyay ee deegaan doorashada koowaad ee Jubbaland yaalay, ayaa hadana waxaa jirto in deegaan doorashada labaad ee Maamulka Jubbaland oo ay taalo 16 kursi inaan wali wax doorasho ah ka bilaabin xili waqtigii loogu talo galay in maamulada ay soo gabagabeeyaan doorashada ay Maanta ku akeyd.

Hoos ka akhriso jadwalka afarta Kursi ee doorashadooda la shaaciyay:-


Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online