7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 15, 2022
Maamulka Galmudug oo Maanta soo gabagabeeyay doorashada kuraasta Golaha Shacabka
 

Talaado, Maarso, 15, 2022 (HOL) - Guddiga doorashooyinka heer dowlad goboleed ee Galmudug ayaa Maanta soo gabagabeeyay dhamaan kuraasta Golaha Shacabka ee deegaan doorashadoodu aheyd maamulka Galmudug.

Sadax kursi oo aheyd kuraasta ugu dambeysay 45-ka kursi ee Galmudug laga soo dooranayay ayaa maanta lagu doortay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug, waxaana kursiga koowaad oo sumadiisu tahay HOP 018, ku guuleystay Sahro Colaad Cabdi oo heshay dhamaan codadkii ergada oo ahaa 101 cod.

Kursiga labaad ee HOP 021, waxqa kusoo baxay Xuseen Axmed Culusoow oo helay  99 cod oo ahaa kooramka ergada xaadirka ahayd goobta doorashada ee magaalada Gaalkacyo.

Kursiga sadaxaad oo ahaa kursiga ugu dambeeyay doorashada Maanta ka dhacday Gaalkacyo iyo guud ahaan kuraasta Xildhibaanada laga soo doorto deegaanada Galmudug  kaasoo sumadiisu tahay HOP 020, waxaa ku guuleysatay Shamso Cilmi Xassan  oo heshay 80 cod oo ahaa  kooramka ergada xaadirka ahayd goobta.

Maamulka Galmudug ayaa noqday maamulkii afaraad ee soo gabagabeeya doorashada kuraasta labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya, waxaana horay usoo gabagabeeyay guddiyada doorashada gobolada Waqooyi, Banaadiriga iyo maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, waxaana dhiman maamulada Puntland, Hirshabeelle iyo Jubbaland.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online