7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 15, 2022
Madaxweyne Biixi oo u mahadceliyay xildhibaanada Kongaraska Maraykanka
 

Talaado, Maarso, 15, 2022 (HOL) - Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa u mahadceliyay xildhibaannada katirsan Kongaraska Maraykanka, ee dowlada Maraykanka usoo jeediyay in ay iskaashi la yeelato Somaliland.

Madaxweynaha ayaa qoraal uu ku baahiyay bartiisa Twitterka, ugu mahadnaqay xildhibaanada 9 ka ah ee Xogeeyaha Arrimaha Dibbada Maraykanka Antony Blinken u gudbiyay waraaqda ay ku dalbanayaan in Maraykanku uu Somaliland la yeesho iskaashi dibulumaasiyadeed, dhaqaale iyo amni oo buuxa.

"Waad mahadsantahay Michael McCaul iyo xubnaha kale ee guddida arrimaha dibbada, waraaqda aad u gudbiseen Antony Blinken, idinkoo maamulka Biden ku boorinaya, in uu kordhiyo oo uu xoojiyo wada shaqaynta uu Somaliland kala leeyahay, arrimaha dibilumaasiyada, dhaqaalaha iyo danaha amaanka" ayuu yidhi madaxweyne Biixi.

Soojeedinta xildhibaannada ayaa timid kadib markii madaxweyne Biixi uu maalintii Isniinta machadka siyaasada ee Heritage Foundation ka jeediyay qudbad loogu magac dhigay "Balan qaadka wayn ee xidhiidhka Somaliland iyo Maraykanka". Qudbadaasi oo uu sidookale si faah faahsan ugaga hadlay qadiyada aqoonsi raadinta Somaliland.

Xildhibaano badan oo taageera qadiyada jiritaanka Taiwan oo 9 kan xildhibaan ay kamid yihiin ayaa la rajaynaya, in ay dowlada Maraykanka ku riixaan in ay xidhiidh la yeelato Somaliland, dhinaca kale madaxweyne Biixi ayaa la kulmi doona Kongaraska Maraykanka, sida uu sheegay wakiilka Somaliland ee Washington.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]