7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 15, 2022
Maamulka koonfrur Galbeed oo soo gabagabeeyay doorashada xildhibaannada aqalka hoose
 

Talaado, Maarso, 15, 2022 (HOL) - Maamulka Koonfur Galbeed ayaa maanta soo gabagabeeyay doorashada xildhibaannada aqalka hoose ee golaha shacabka, waxayna noqdeen maamulkii ugu horreeyay ee ku guulaysta dhameystirka doorasha aqalka hoose.

Guddiga doorashada koonfur Galbeed oo doorashadan soo bilaabay dabayaaqada sannadkii hore ee 20121, ayaa maanta oo talaado ah waxay qabteen doorashada todobadii kursi ee ugu dambeeyay, kuwaas oo ay kusoo baxeen 5 rag ah iyo labo dumar.

Guud ahaan 69 xildhibaan oo labada aqal ee barlamaanka Soomaaliya ee ku matalaya K/galbeed, ayaa lagu doortay Baydhabo iyo Baraawe. 13 kamid ah ayaa ah dumar, waana tiro aad u yar marka loo eego qoondada dumarka ee barlamaanka labadiisa aqal.

Xildhibaannada maanta lagu doortay Baydhabo, waxaa kamid ah taliyihii ciiddanka asluubta dowladda Soomaaliya, Gen, Mahad Cabdiraxmaan Aadan. Wuxuuna qeyb ka noqonayaaa tiro taliyayaal iyo saraakiil ciidan oo ku biirtay barlamaanka.

Dhinaca kale, guddiga doorashada Galmudug ayaa iyaguna maanta soo gabagabeynaya doorashada aqalka hoose, waxaana harsan saddex kursi oo maanta lagu dooranayo magaalada Gaalkacyo.

Halkaan ka akhriso magacyada xildhibaannada lagu doortay Baydhabo.

Gen. Mahad Cabdiraxmaan Aadan hop 172

Maxamed Abuukar Cabdi hop164

Cumar Cali Balash hop197

Isaag Cali Subag hop 204

Maryan Macalin Isaag hop 181

Maxamed Keerow Maxamed hop179

Xaawo Sokor Cali hop 79

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online