7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 15, 2022
Xildhibaan Ilhan Omar" Maraykanku wuxuu ku dadaalayaa sidii Soomaaliya u heli lahayd madaxwayne la aqbali karo"

Talaado, Maarso, 15, 2022 (HOL) - Xildhibaanka Koongareeska Maraykanka Ilhan Cumar ayaa sheegtay dowladda Maraykanka inay doonayso Soomaaliya oo hesho madaxweyne la aqbali karo oo ku yimaada doorasho hufan.

Xildhibaan Ilhaan waxay sheegtay Soomaaliya inaysan haatan lahayn wax madaxweyne ah, iyadoo sheegtay in madaxweyne Farmaajo uusan lahayn wax sharciyad ah oo madaxweynimo ah.

“Soomaaliya hadda madaxweynaheeda waqtigiisii wuu dhamaaday. Hadda inay madaxweyne haysato camal ma ahan, sharci ahaan. Marka waa in aan ku dadaalnaa sidii ay Soomaaliya ku heli lahayd madaxweyne la aqbali karo,” ayay tiri Ilhan.

Ilhan waxay sheegtay Soomaaliya inaysan u baahnayn in maalin kasta doorashadeeda dib loo dhigo, iyadoo sheegtay in dal kale aanay ka suurto gali lahayn in sida Soomaaliya doorashadiisu dib u dhacdo.

Bishii december ee sannadkii hore, Xildhibaan Ilhaan Cumar ayaa ugu baaqday Madaxweyne Farmaajo inuu xilka ka dego.

“Farmaajo sanad ayaa ka soo wareegay shaqadii loo igmaday, waxaa la joogaa xilligii uu meesha ka bixi lahaa, doorashada waqtigeeda dheerna ay ku dhici lahayd sida ugu dhaqsiyaha badan," ayay tiri.

Hadalka Ilhaan ayaa ku soo beegmay saacado ka hor inta aysan wasaaradda arrimaha dibadda ee Mareykanka soo saarin bayaan ay ku sheegtay in ay tallaabo ka qaadi doonto kuwa carqaladda ku ahnabadda Soomaaliya.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online