7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 15, 2022
Madaxweynaha Zambia iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo ka wada-hadlay xoojinta iskaashiga

Talaado, Maarso, 15, 2022 (HOL) - Madaxweynaha dalka Zambia Hakainde Hichilema iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Xiriirka Caalamiga ee Soomaaliya Cabdisaciid Muuse Cali, ayaa Isniintii shalay ka wada-hadlay xoojinta iskaashiga labada dal.

Madaxweynaha Zambia ayaa sheegay in dowladiisa ay si weyn ula socoto doorashada ka socota Soomaaliya si loo xaqiijiyo in natiijada ka soo baxda ay noqoto mid guul ah.

Zambia ayuu sheegay in ay aad u qadarineyso xiriirka ay la leedahay Soomaaliya, wada shaqeynta labada dal ayuu ku baaqay in la kordhiyo iyadoo ujeedadu tahay in la abuuro ajande dhaqaale oo guuleysta oo ay ka faa’iideystaan shacabka labada dal.

Madaxweynaha dalka Zambia Hakainde Hichilema, ayaa sheegay in loo baahan yahay iskaashi dheeri ah oo dhexmara waddamada si loo xaqiijiyo nabadda, lana dammaanad qaado amniga gobolka.

Madaxweynaha Zambia ayaa sheegay in ay adkaan doonto in la dhaqaajiyo qorshaha dhaqaale ee Afrika, haddii aysan jirin nabad iyo xasilooni, isaga oo intaa ku daray in dagaalladu ay dowladaha ku adkeeyaan in ay dhaqaajiyaan falashashada dadkooda.

Waxaa uu sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay in jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Zambia ay si weyn uga dhexmuuqdaan ganacsatada dalkaasi.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Xiriirka Caalamiga ah ee Soomaaliya Mudane Cabdisaciid Muuse Cali, ayaa dhankiisa sheegay in madaxweynihiisa uu doonayo in uu booqdo dalka Zambia, kaddib doorashada si loo sii xoojiyo xiriirka labada dal.

Hassan Istiila, Hiiraan Online
[email protected]