7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 15, 2022
Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista oo beeniyay in la xiray qaar kamid ah madaxda shirkadaha duullimaadyada
 

Talaado, Maarso, 15, 2022 (HOL) - Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Duraan Axmed Faarax, ayaa beeniyay wararka sheegaya in la xiray qaar kamid ah madaxda shirkadaha duullimaadyada.

Wasaaradda Gaadiidka iyo shirkadaha duullimaadyada ayaa magaalada Muqdisho ku dhex maray kulan ku saabsanaa sidii loo dhisi lahaa urur ay ku mideysanyihiin shirkadaha diyaaradaha ee ka howl-gala Soomaaliya.

Balse warbaahinta maxaliga iyo baraha bulshada ayaa shalay lagu qoray in kaddib markii la isku fahmi waayay kulankaasi uu wasiir Duraan Axmed amray in muddo kooban la xiro qaar kamid ah madaxda duullimaadyada.

 “Baraha bulshada ayaan ku arkay dad ayaa la xirxiray. Anniga ma garanaayo meel ay ka keeneen, waliba waxaa ay leeyihiin wasiirka ayaa amarkaasi bixiyay. Anniga ma oggi amar aan leeyahay oo dad lagu xirxiray”.

Wasiir Duraan ayaa intaasi raaciyay in uusan oggeyn dad ka shaqeeya shirkadaha diyaaradaha oo la xirxiray.

Wakiilka shirkadda Halla airlines Yuusuf Maxamed (Xaaji Dool) oo la hadlay BBC Soomaali, ayaa beeniyay in shirkadaha ay ku kala qeybsameen arrintan, balse buuq uu ka dhashay markii wasaaradda ay codsatay in mar kale dib-loo-dhigo shirkaasi.



Hassan Istiila, Hiiraan Online
[email protected]