7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 15, 2022
Maraykanka oo sheegay in ay Soomaaliya mid ah kula macaamilayaan Somaliland
 

Talaado, Maarso, 15, 2022 (HOL) - Xafiiska Wasaarada  Arrimaha Dibadda Maraynkanka ee Arrimaha Afrika, oo ka hadlay kulan ay la yeelan doonaan madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa sheegay in ay ka wada hadli doonaan iskaashiga Somaliland iyo Maraykanka iyadoo la raacayo siyaasada "Soomaaliya mid ah".

"Waanu soo dhawaynaynaa fursada aanu kula kulmayno Muuse Biixi Cabdi, oo aanu ku wada falanqaynayno xidhiidhka Somaliland iyo Maraykanka, anaga oo raacayna siyaasada 'Soomaaliya mid ah' " ayaa lagu yidhi qoraal lagu daabacay boga Twitterka ee waaxda arrimaha Afrika.

Madaxweynaha Somaliland ayaa ku sugan magaalada Washington ee caasimada Maraykanka halkaasi oo uu shalay ka jeediyay qudbad dhinacyo badan taabanaysa, isagoo dowlada Maraykanka iyo dowladaha kale ee galbeedka ka codsaday in ay taageeraan aqoonsiga Somaliland.

Sidookale, madaxda machadka Heritage Foundation oo ah machad door laxaadle ka ciyaara siyaasada waddanka Maraykanka, ayaa dowladooda usoo jeediyay in ay aqoonsi buuxa siiso Somaliland.

Madaxweynaha ayaa Maraykanka ku sugnaan doona mudo 10 cisho ah, safarka madaxweynaha ayaa waxa soo qaban qaabiyay Heritage, kadib markii ay wafti shaqaalaha Congresska Maraykanka ka socdaa ay Somaliland yimaadeen dhamaadkii sannadkii hore.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online