7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 14, 2022
Madaxweynaha Somaliland oo sheegay in wadahadaladii Somaliland iyo dowlada Soomaaliya ay guuldaraysteen
 

Isniin, Maarso, 14, 2022 (HOL) - Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo qudbad ka jeediyay magaalada Washington, ayaa sheegay in wadahaladadii Somaliland iyo Soomaaliya ay ka dhanka dowlada Soomaaliya ka socon waayen, isla markaana aan rajo laga qabin in guul laga gaadho.

Madaxweynaha ayaa sheegay in intii ay wadahadaladu socdeen ay dowlada Soomaaliya ku guuldaraysatay in ay ixtiraamto, heshiisyadii shirkii London oo ahaa in loo wadahadlo sidii laba dowladood oo siman, isla markaana anay qodobkaa marnaba dib u eegin.

"Qodobka ugu muhiimsanaa ee khilaafka oo ahaa 'meeqaamka Somaliland', waxay ahayd in la xaliyo oo lasoo celiyo, kadib 9 wareeg oo wadahadalo ah oo u dhexeeyay 2012 ilaa 2022, qodobkii khilaafka ee ahaa 'meeqaamka Somaliland' marna lagama garaabin" ayuu yidhi madaxweyne Biixi.

Madaxweynaha ayaa sheegay in dowlada Soomaaliya ay muujisay in anay haba yaraate wax xiiso ah u haynin wadahadalo midho dhala mudadii ay wadahadaladu socdeen "10 kan sanno Soomaliya waxay soo bandhigtay in anay gabi ahaanba wax xiiso ah u haynin wadahadalo macno leh".

Waxa uu sheegay in dowlada Soomaaliya, ay halkii ay ka horumarin lahayd wadahadalada ay isticmaaashay, siyaasad lagu wax yeelaynayo Somaliland  "Soomaaliya taa badal keeda waxay is ticmashay siyaasado Somaliland lagu wiiqayo oo qalalaase lagu galinayo".

Madaxweynaha ayaa ku andacooday in anay jirin sabab loo sii wado wadahadlada, "Madama oo wadahadaladii anay samayn wax horumar ah 10 kaa sano, Somaliland waxay rumaysantahay, in wadahadaladii ay ku guuldaraysteen in ay gaadhaan ujeedooyinkii laga lahaa...mana jirto rajo laga qabo in ay guulaystaan".

Waxa uu sheegay in halkii wadahadalada ay ku badali doonaan, in ay dadaal ku bixiyaan in ay caalamka xidhiidh la yeeshaan oo ay albaab walba garaacaan.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online