7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 14, 2022
Kursi ka mid ah Golaha Shacabka oo tartankiisu adkaa oo Caawa lagu doortay magaalada Baledweyne
 

Isniin, Maarso, 14, 2022 (HOL) - Waxaa goordhaw oo Caawa soo gabagaboobay doorashada kursi ka mid ah Golaha Shacabka oo tartankiisa aad u adkaa oo ka qabsoomay magaalada Baledweyne, kaasoo sumadiisu yahay HOP 004, oo uu horay ugu fadhin jiray Maxamed Xasan Ibraahin Qoone

Kursiga oo tartankiisa aad u adkaa ayaa waxaa ku tartamay ilaa shan musharax oo midi dumar tahay, waxaana tartanka kursiga la isla gaaray wareega labaad oo ay u gudbeen Cabdinasir Xaaji Shirwac oo helay 39 cod iyo Bilan Bile oo heshay 35 cod, waxaana wareegii koowaad ku haray musharaxiinta kala aha Maxamed Maxamuud Cabdulle, Cabdi Daahir Cismaan iyo Faarax Salaad Dharaar.

Wareegii labaad ee tartanka ayaa waxaa ku guuleystay Cabdinasir Xaaji Shirwac oo helay  61 cod, halka Bilan Bile ay ka heshay 40, mana jirin wax cod ah oo halaabay, doorashada kursigaan ayaa noqoneysa midii ugu horey ee xili habeen ah ka qabsoonto Baledweyne.


Xildhibaanka cusub ee kursigaan ku guuleysatay ayaa horay uga soo mid noqday Baarlamaankii dowladii uu madaxweynaha ka ahaa Cabdiqaasim Salaad Xasan ee lagu soo dhisay magaalada Carta ee dalka Jabuuti, waxaana wixii xiligaasi ka dambeeyay ku fadhiyay Maxamed Xasan Qoone oo dhawaan sheegay inuu ka tanaasulay u tartamida kursigaan.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online