7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 14, 2022
Ra’iisul Wasaare Rooble oo kulan ku saabsan abaaraha dalka la qaatay wakiillada beesha caalamka
 

Isniin, Maarso, 14, 2022 (HOL) - Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, oo maanta wakiillada beesha caalamka kala shiray xaaladda abaaraha ee dalka, ayaa wakiillada ku booriyay in loo gurmado dadka Soomaaliyeed ee ay saameysay abaarta.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa sheegay in dalka ay ka jirto abaartii ugu ba’neyd ee soo marta wixii ka dambeeyay macluushii 2011-kii.

“Abaartu waxaa ay saameysay ku dhowaad 6.9 milyan oo qof, inkabadan 9.5 milyan oo xoola ah. Inkabadan 2.6 milyan oo qof ayaa wajahaya biyo la’aan aad u daran. Deegaanno kamid ah Galmudug, Koonfur-Galbeed iyo Jubbaland waxaa ku barakacay ku dhowaad nus milyan qof abaarta darted” ayuu yiri Rooble.

“Dadkii waxaa ka dhammaaday beerihii iyo xoolihii. Waxaa sidoo kale yaraaday biyaha ceelasha. Deegaannada qaarkood waxaa laga soo warinayaa dad u dhintay biyo la’aan iyo haraad ba’an. Haddii xaalada sidan ay kusii socoto waxaa hubaal ah in ay u xuubsiiban doonto macluul galaafata nolosha dad badan oo Soomaaliyeed”, ayuu kusoo afmeeray hadalkiisa.

Saddex xili roobaad oo xiriir ah ayaa la waayay roobka taas oo xaalufisay dalagyadii, iyada oo xoolahuna ay waayeen baad iyo biyo. Hababkii dadku ay taas ula qabsan lahaayeen ayaa meesha ka baxday, waxaana kumanaan kun ay ku khasbanaadeen inay ka cararaan guryahoodii iyagoo raadinaya gargaar bini'aadantinimo oo ay ku jiraan cunto, hoy, iyo biyo nadiif ah oo la cabbo.

Hassan Istiila, Hiiraan Online
[email protected]