7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 14, 2022
Beesha Bahwadaag Dubeys oo kalsoonidii kala noqday Isimkoodii Suldaan Maxamed Cabdullaahi Cartan

Isniin, Maarso, 14, 2022 (HOL) - Wax-garadka, odayaasha iyo aqoonyahannada beesha Bahwadaag Dubays oo maalmahan lahaa kulamo wadatashi ah, ayaa shalay kalsoonidii kala noqday Isimkoodii Suldaan Maxamed Cabdullaahi Cartan, kaddib markii ay ku eedeeyeen in uusan raacin tallada tolka, oo keliya uu ku meel maro tiisa.

Suldaanka ayaa sidoo kale lagu eedeeyay xil-gudasho la’aan iyo in uu caado ka dhigtay talo maroorsi, ballan furyo iyo kala qeybinta beesha, balse eedahaasi culus wali kama uusan jawaabin.

Kalsooni kala noqoshada Suldaan Maxamed Cabdullaahi Cartan, ayaa qeyb ahaan la xiriirta kursi beesha ay ku leedahay Golaha Shacabka ee baarlamaanka Federaalka, oo uu ku bixiyay nidaam beesha aysan ka mideysneyn.

Beesha ayaa raali ka aheyd in kursiga sumadiisu tahay Hop#169 la siiyo wasiirka qorsheynta Xukuumadda Federalka Soomaaliya Mudane Jamaal Maxamed Xasan.

“Waxaan oggeysiineynaa dowladda Federaalka, Puntland, isim kasta, madax iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed in aan kala noqonay kalsoonidii isimnimo ee uu noo hayay, Suldaan Maxamed Cabdullaahi Cartan. Isimkii lagu aaminin lahaa masiirka beesha iyo dalka ayaan ka sugeynaa qoyska Suldaan Maxamed”, ayey yiraahdeen.

Qoyska uu ka dhashay Suldaan Cartan ayaa lagu sharfay in muddo saddex bilood ah kusoo gudbiyaan Suldaan cusub oo hanan kara hoggaanka reerka, inta laga gaarayo xiligaasi waxaa ay sheegeen in tallada beesha ay sii wadi doonaan cuqaasha beesha oo go’aannadooda ku gaaraya hab talo wadaag ah.

“Ma shaqeyn karo Suldaan dambe oo aan annaga soo magacaabin laakiin waxaan ka sugeynaa beesha reer Maxamed oo shirka nala wadaagta in ay noo keenaan nin u qaldan xilka. Waan u adkeysan weynay howlihii uu la yimid Suldaankii aan jecleyn”, ayuu yiri mid kamid ah odayaashii fadhiyay gogosha.

Guddiga doorashada heer dowlad-gobolleed ee Puntland ayaa shaaciyay in Cali Mahdi Maxamed uu ku soo baxay doorashada kursiga #HOP169, kaddib markii musharraxii kula tartamayay doorashada kursiga uu tanaasulay. Kursigaasi waxaa uu kamid ahaa 16-ka kursi ee doorashadooda ay ka dhacday magaalada Boosaaso 5-tii bishan March.


Hassan Istiila, Hiiraan Online
[email protected]