7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 14, 2022
Hargaysa: Booliiska Somaliland oo qabtay maandooriye sharci daro ah
 

Isniin, Maarso, 14, 2022 (HOL) - Ciidamada Booliiska Somaliland ee xaafada Maxamed Mooge ee magaalada Hargaysa, ayaa gacanta ku dhigay 207 litir oo ah khamriga nooca loo yaqaano Dry-gin, oo si sharci daro ah lagu soo galiyay magaalada Hargaysa.

Taliyaha ciidanka booliiska ee qaybta bariga Hargaysa, ayaa warbaahinta u sheegay in ciidamada sirdoonku ay ka gacansiiyeen qabashada maandooriyahan.

"Ciidanka booliisku iyaga oo kaashanaya ciidanka sirdoonka waxay soo qabteen khamri badan oo ah 207 litir, oo Dry-gin ah, taasi oo ah shaqadayada aanu u igmanahay in aanu qabano mukhaadaraadka dadka lagu dhibaataynayo" ayuu yidhi taliyuhu.

Taliyaha ayaa sidookale sheegay in ay qabteen baabuurtii khamriga lagu siday  isla markaana, ay ku daba jiraan eedaysanayaashii khamriga siday "Waxaanu ku qabanay baabuur Crown ah iyo baabuur Indhacadde ah, eedaysanayaashiina waanu aqoonsanay waananu ku daba jirnaa".

Taliyaha ayaa u digay cidkasta oo qorshaynaysa in ay maandooriye soo galiso gudaha Somaliland, isagoo sheegay in ay talaabo ka qaadi doonaan cidkasta oo ku kacda fal noocaas ah.



Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]