7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 14, 2022
Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay Doon lagu afduubtay badweynta hindiya
 

Isniin, Maarso, 14, 2022 (HOL) - Afhayeenka ciiddanka booliiska Soomaaliya, Cabditaax Aadan Xasan ayaa sheegay in koox isugu jirta Soomaali iyo Yemeniin ay afduubteen Dooni siday Maandooriye laga keenay dalka Yemen.

Afhayeenka ciiddanka bilayska wuxuu sheegay in kooxda afduubka geysatay ay yihiin isla kooxdii la socotay Doonta, kuwaas oo la sheegay inuu soo kala dhexgalay khilaaf sababay in Doonta laga leexiyo halkii ay ku wajahnayd, lalana aado badweynta Hindia.

Afhayeenku wuxuu sheegay in falkaas uusan ahayn fal burcad baddeednimo ah, isagoo sheegay in ciiddanka badda Soomaaliya ay ku raad joogaan sidii gacanta loogusii dhigi lahaa doonta la afduubtay.

"Waxaan rabaa inaan adduunka u bayaamino sida dhacdadaasi ay u qeexeen oo noqotay si qaldan, taasoo michaheedu yahay in Soomaaliya ay ka jiraan burcad baddeednimo. Waxaan u caddeynayaa Soomaaliya inaysan ka jirin wax burcad baddeed ah sida ay caddeynayaan hay'addaha caalamiga ah ee la socda dhaqdhaqaaqa baddeena," ayuu yiri Cabdifitaax.

Dhowaan ayay ahayd markii golaha ammaanku uu diiday inuu muddo kordhin u sameeyo howlgalka la dagaalanka burcad baddeeda Soomaaliya kadib muddo 15 sano ah uu howlgalkaas uu jiray.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay ku filan tahay ammaanka baddeeda islamarkaasna waxay caalamka codsatay in dhaqaalaha lagu  bixinayo howlgalkaas lagu bixiyo tababarka ciiddanka badda Soomaaliya si ay awood badan u yeeshaan.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online