7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 14, 2022
Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in 200 xubnood oo katirsan Alshabaab lagu dilay duqayn ka dhacday gobolka Galgaduud
 

Isniin, Maarso, 14, 2022 (HOL) - In ka badan 200 oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab oo ay ku jiraan dhowr sarkaal oo sarsare ayaa lagu dilay saldhig ay ku lahaayeen gobollada dhexe ee Soomaaliya, kadib duqeyn ay la beegsadeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Mareykanka.

War rasmi ah oo kasoo baxay dowladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in duqeynta lala beegsaday deegaan lagu magacaabo Hareeri Gubadle oo ku dhow degmada Wabxo ee gobolka Galgaduud, oo qiyaastii 300km dhanka waqooyi kaga beegan caasimadda Muqdisho.

Sidoo kale waxaa la tilmaamay in Saldhigga Al-Shabaab ee la weeraray uu 20km dhanka Bari kaga beegan yahay Magaalada Wabxo.

Dowladda Soomaaliya waxay sheegtay inay duulaankan iska kaashadeen ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Mareykanka.

Waa duqayntii labaad oo Maraykanku ka geysto Soomaaliya sannadkan cusub. Dhowaan ayay ahayd markii uu Maraykanku duqeymo ka geystay gobolka Hiiraan, isagoo ku dilay xubno katirsan Alshabaab.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online