7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 14, 2022
Madaxweynihii hore ee Mareykanka Barack Obama oo laga helay xanuunka COVID-19
 

Isniin, Maarso, 14, 2022 (HOL) - Madaxweynihii hore ee dalka Mareykanka Barack Obama ayaa Axadii shalay ku dhawaaqay in laga helay xanuunka COVID-19.

Obama oo qoraal soo dhigay bartiisa Twitter-ka, ayaa sheegay in xaaskiisa Michelle Obama laga waayay xanuunka.

"Waxaa maray baaritaanka xanuunka COVID, kaddib maalmo kooban oo aan wax ka dareemay cunaha, laakiin sida kale waan fiicanahay”.

“Aniga iyo Michelle waa nala tallaalay, iyada lagama helin xanuunka balse anniga ayaa la iga helay COVID-ka. Waan idin xusuusinayaa in aad qaadataan tallaalka haddii aadan horay u qaadan”, ayuu yiri Obama.

Warbaahinta dalka Mareykanka ayaa sheegtay in Obama uu dhawaan ku laabtay magaalada Washington ee dalka Mareykanka, balse ma uusan shaacinin goobaha uu tagay intii uu ku maqnaa safarka.

Hassan Istiila, Hiiraan Online
[email protected]