7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 14, 2022
Dowladda Soomaaliya oo bishan ruqsad siin doonta bankiga dalka Masar ee (Bank of Egypt)
 

Isniin, Maarso, 14, 2022 (HOL) - Wasiirka arrimaha dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdisaciid Muuse, ayaa sheegay in dowladiisa ay wado qorshe ay ruqsad ku siineyso bankiga dalka Masar ee (The Bank of Egypt).

Wasiirka oo wareysi siinayay wargeyska Sharook News ee kasoo baxa dalka Masar, ayaa sheegay in Guddiga Sare ee Bangiga Dhexe ee Soomaaliya ay bishan soo saari doonaan ruqsada bankiga Banque Misr (Bank of Egypt), si uu uga hawl-geli karo dalka Soomaaliya.

Sida uu wareysiga ku sheegay wasiirka, dowladda Soomaaliya ayaa dhammeystirtay hannaankii bankiga lagu siin lahaa ruqsada, waxaana uu noqon doonaa Banggigii ugu horreeyay oo ajnabi ah oo ka howlgalla Soomaaliya.

Wasiirka arrimaha dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdisaciid Muuse, ayaa ku booriyay dadka Masaarida inay kordhiyaan maalgashiga ay ku sameynayaan Soomaaliya, isagoo xusay in dalka uu baahi weyn u qabo xirfadlayaal ku xeel dheer dib-u-dhiska dhaqaallaha dalka.

Sannadkii 1920-kii ayaa la aas-aasay Bangiga Masar, waxaana aasaasay maalgashadayaal gaar ah balse markii dambe waxaa qarameeyay dowladda Masar sannadkii 1960-kii.

Hassan Istiila, Hiiraan Online
[email protected]