7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 14, 2022
Guddiga doorashada Galmudug oo qabtay doorashada saddex kursi oo aqalka hoose ah
 

Isniin, Maarso, 14, 2022 (HOL) - Guddiga doorashada Galmudug ayaa magaalada Gaalkacyo ku qabtay doorashada saddex kursi oo aqalka hoose ah, kuwaas oo labo kamid ah si furan loogu tartamay ayna kusoo  baxeen wajiyo cusub.

Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen (Odowaa) ayaa ku guuleysatay kursiga tirsigiisu yahay HOP069 ee golaha shacabka BJFS oo doorashadiisu  ka qabsoontay magaalada Gaalkacyo.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odawaa oo mar labaad kusoo laabtay kursigiisa ayaa ku guuleystay 97 cod oo ahaa tirada ergada goobta doorashada ku sugnayd.

Kursiga labaad oo sumadiisu ahayd hop38, waxaa ku guulaystay  Cabdisalaan Xaaji Axmed Liibaan (Amb. Dhabancad), kaas oo doorashadiisa lagu qabtay magaalada Gaalkacyo.

Kursigaan oo ay doorashadiisa ku tartameen afar musharrax ayaa kamid ahaa kuraasta ugu adag ee sida furan loogu tartamay, waxaana ugu dambayn 51 cod ku guulaystay Amb. Dhabancad.

Sida codadka loo kala helay.

1- Cabdisalaan Xaaji Axmed Liibaan Dhabancad oo helay 51 cod.

2- Maxamed Cabdi Aadan (Gaboobe) oo helay 31 Cod.

3- Maxamed Cabdi Faarax oo helay 1 cod.

4- Siciid Daahir Sh Maxamed oo helay 18 cod.

Dhinaca kale, Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud (Cagaweyne) ayaa ku guulaystay kursiga HOP095 oo doorashadiisu ay xalay ka dhacday magaalada Gaalkacyo, waxaana kursigaan ku tartamay saddex musharrax.

Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud (Cagaweyne) ayaa guulaystay wareegii labaad ee doorashada, isagoo wareegiii hore laga dhibco, hase yeeshee wareegii dambe ayuu helay codadka ugu badan.

Sida codadka loo kala helay.

1- Maxamed Siciid Faarax oo helay 44 cod

2- Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud oo helay 35 cod

3- Maxamuud Kudun Xiimaa oo helay 22 cod

Wareega Labaad Musharixiinta codadka u kala heleen.

1- Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud (Cagaweyne) oo helay 54 cod

2- Maxamed Siciid Faarax oo helay 47 cod.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online