7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 14, 2022
Wararkii ugu dambeeyay doorashada Baledweyne iyo guddiga doorashada oo shaaciyay qabashada hal kursi


Isniin, Maarso, 14, 2022 (HOL) - Guddiga doorashada maamulka Hirshabeelle ayaa Xalay shaaciyay in Maanta ay qabanayaan doorashada hal kursi oo ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka ee deegaan doorashadoodu tahay Baledweyne, kaasoo sumadiisu tahay HOP 004.

Maanta oo Isniin ah ayaa lagu waday in magaalada Baledweyne ay ka qabsoonto doorashada afar kursi oo uu ka mid yahay halka kursi ee guddiga ay sheegeen iney Maanta qabanayaan doorashadiisa, iyagoona wali wax war ah kasoo saarin sadaxdii kursi ee kale oo ay horay halmar jadwalka afarta kursi u wada shaaciyeen.

Shan Musharax oo midi dumar tahay ayaa xalay isku diiwaan geliyay u tartamida kursiga HOP 004, oo uu horay ugu fadhiyay Maxamed Xasan Ibraahin Qoone, kaaso dhawaan shaaciyay inuu isaga tanaasulay u tartamida kursiga oo uu ku fadhiyay 17-kii sano ee lasoo dhaafay.

Si kastaba ha ahaatee shaacinta ay shaaciyeen guddiga doorashada Hirshabeelle qabashada halka kursi ee HOP 004, ayaa kusoo beegmaya xili guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan uu soo saaray amar lagu hakinaayo doorashada kuraasta taala magaalada Baledweyne, sababo uu ku sheegay carqaladeyn lagu haayo doorashada Baledweyne ka socota, lamana oga in amarka guddoomiye Jeyte uu saameyn ku yeelan doono doorashada halka kursi ee Maanta qabanayaan guddiga doorashada Hirshabeelle.

Madaxda Hirshabeelle ayaa markii labaad isku khilaafsan doorashada kuraasta taala Baledweyne, xili jadwalka doorashada in lagu soo gabagabeeyo loogu talo galay ay ka hartay Maanta oo kaliya, waxaana walaac xoogan laga muujinaya sida ay ku qabsoomi karaan doorashada kuraasta ku harsan Baledweyne oo ay u taagan yihiin u tartamidooda siyaasiyiin loolan adag gali doona.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online