7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 13, 2022
Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan oo sheegay inuu hakiyey doorashada kuraasta wali harsan ee taala magaalada Beledweyne

Axad, Maarso, 13, 2022 (HOL) - Gudoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa war qoraal ah oo uu soo saaray ku sheegay inuu hakiyey doorashada kuraasta harsan ee taala magaalada Beledweyne sababo uu ku sheegay inay la xiriiraan amni iyo isqabqbasi ka dhexjira beelaha uu ka dhaxeeyo kuraasta aan wali doorashadooda la qabanin. 

“Markaan helnay xoggo ku saabsan in la carqaladeyn rabo doorashada u asteysan inay dhacdo maalinta berri ah, waxaan soo saaray go’aan ah in la hakiyo doorashada” ayaa warka qoraalka ah lagu sheegay.

Balse, wararka aan ka helayno magaalada Beledweyne waxay sheegayaan inuu jiro khilaaf u dhaxeeya Madaxweyne Guudlaawe iyo kuxigeenkiisa Yuusuf Dabageed oo la sheegayo inuu salka ku haya ismaandhaaf ku saabsan kuraasta qaar in loo si xiro musharixiin iyo in si furan loogu tartamo.

Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabelle Yuusuf Dabageed ayay wararku sheegayaan inuu ku adkeysanayo in musharixiin dhowr ah oo uu wato loo xiro kuraasta qaar, balse jufooyinka iska leh kuraasta ayay xogta aan helayno sheegaysaa inay diidanyihiin isku deygaas. 

Kuraasta taala Baladweyne ayaa u muuqda kuwa loolankoodu aad u adagyahay, madaama jufooyinka leh kuraasta iyo musharixiintu ay yihiin kuwo aad u hubeysan, midaas oo keentay inay adkaato in kuraasta qaar loo xiro musharixiin gaar ah.

Qilaafkan ayaa ku soo beegmaya iyadoo ay maalin ka harsantahay waqtigii Golaha Wadatashiga Qaran ee ay ku mideysanyihiin dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada ay u qabteen dhameynta doorashada xubnaha barlamaanka oo ku eeg maalinimada talaadada 15, March 2020. 

Lama ogo in qoraalka lagu hakinayo doorashada ee ka soo baxay gudoomiyaha gobolka Hiiraan uu horseedi doono baaqashada doorashada kuraasta HOP-135, HOP-063 HOP-011, iyo HOP-004, oo lagu wado inay berito oo Isniin ah ku qabsoonto Baledweyne.


Hiiraan Online News desk