7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 13, 2022
Madaxweynaha Somaliland oo lagu soo dhaweeyay dalka Maraykanka

Axad, Maarso, 13, 2022 (HOL) - Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo waftigii uu hogaaminayay, ayaa ka dagay madaarka Dallas ee magaalada Washintong ee dalka Maraykanka, waxaana qaabilay masuuliyiin ka socda Wasaarada Arrimaha Dibbada Maraykanka.

Madaxweynaha ayaa waxaa sidookale madaarka Dallas kusoo dhaweeyay Wasiirka Arrimaha Dibbada Somaliland DR Ciise Kayd Maxamuud oo isagu waftiga usii gogol xaadhayay, iyo Wakiilka Somaliland ee Washintong Amb Bashiir Good, iyo dadwayne kale oo kamid ah jaalliyada Somaliland ee Maraykanka.

"Madaxweynaha waxaa madaarka Dallas soo dhawayn rasmi ah ugu sameeyay dowlada Maraykanka, dabadeedna bulshawayntii Somaliland ee Maraykanka ku sugnayd oo halkaa usugi timid ayaa sifiican usoo dhawaysay, taas baa bilow u ah booqashada ilaa 10 cisho socon doonta ee madaxweynuhu ku joogi doono dalkan Maraykanka" amb Good ayaa sida warbaahinta u sheegay.

Waxa kale oo uu sheegay in madaxweynuhu uu la kulmi doono qaybaha kala duwan ee dowlada Maraykanka oo uu ugu mudanyahay Congresska Maraykanka "Kulano badan ayuu la yeelan doonaa dowlada Maraykanka qaybeheeda kala duwan, Congresska, meelo badana wuu ka hadli doona oo ay kamid tahay maalinta bari ah oo ka hadli doono Heritage Foundation".

Safarka madaxweynaha Somaliland ayay qaban qaabadiisu socotay ilaa dhamaadkii sannadkii 2021, waxaana soo qaban qaabiyay Heritage Foundation oo ah macad door wayn ka ciyaara siyaada Maraykanka.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online