7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 13, 2022
Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo ansixisay miisaaniyad ku-meel-gaar ah

Axad, Maarso, 13, 2022 (HOL) - Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta shir-guddoomiyay shirka Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka, kaas oo lagu ansixiyay miisaaniyad ku-meel-gaar ah oo dhan $206,474,223.

Miisaaniyadda la ansixiyay ayaa loo qoondeeyey howl fulinta dowladda ee mudada u dhaxeysa bilaha April ilaa June ee sannadkan 2022.

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Cabdiraxman Ducaale Bayle oo hadlay kaddib ansixinta, ayaa sheegay in sannadkan xildhibaannada ay u suurtageli weyday in ay farriistaan oo ay ansixiyaan miisaaniyadda, sidaasi darteedna uu sharciga maaliyada u oggolaanayo in la isticmaalo saddex bilood oo kamid ah sannadkii 2021, maadaama lagu jiro saddexdii bilood ee ugu horreeyay lagana yaabin in uu baarlamaan fariisan karo maanta ilaa dhowrka maalin ee haray.

Wasiirka ayaa xusay in sidaasi awgeed la isla gartay in saddex bilood loo keeno xukuumadda, ka doodaan, kaddibna si deg-deg ah ay u ansixiyaan.

Mudada intaasi u dhexeysa waxaa la filayaa in baarlamaanka uu fariisto kaddibna miisaaniyadii oo hagar la' dib lagu noqdo oo la saxo.

Wasiirka ayaa ugu dambeyn Golaha Wasiirrada uga mahadceliyay ansixinta saddexda bilood ee ka bilaabmi doono bisha April ilaa bisha juun.

Hassan Istiila, Hiiraan Online
[email protected]