7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 13, 2022
Hay’adda UNHCR oo sheegtay in 2.9 milyan oo Soomaali ah ay u baahanyihiin gurmad bini'aadantinimo
 

Axad, Maarso, 13, 2022 (HOL) - Hay’adda Qaxootiga u qaabilsan Qaramada Midoobay ee UNHCR ayaa sare u qaadaysa gargaarka ay u fidiso kumanaanka qof ee ka barakacay abaaraha ba’an ee ka jira Soomaaliya.

Saddex xili roobaad oo xiriir ah ayaa la waayay roobka taas oo xaalufisay dalagyadii, iyada oo xoolahuna ay waayeen baad iyo biyo. Hababkii dadku ay taas ula qabsan lahaayeen ayaa meesha ka baxday, waxaana kumanaan kun ay ku khasbanaadeen inay ka cararaan guryahoodii iyagoo raadinaya gargaar bini'aadantinimo oo ay ku jiraan cunto, hoy, iyo biyo nadiif ah oo la cabbo.

Keliya toddobaadkii ugu horreeyay ee bisha Maarso, in ka badan 17,000 oo qof oo ku nool gobollada koonfureed ee dalka ayaa ku barakacay abaarta, kuwaas oo ku biiray tobanaan kun oo qof oo sidan oo kale ugu barakacay guud ahaan dalka intii u dhexeysay bilihii January iyo February ee sannadkan.

Hay’adda UNHCR ayaa qiyaaseysay haddii xaaladda sidan ay sii ahaato sannadkan in suurtogal tahay in nus milyan qof oo Soomaali ah ay barakacaan ka hor dhammaadka Maarso.

Dadka abaaraha ka barakacay ayaa intooda badan ah caruur, dad waaweyn, hooyooyin uur leh iyo kuwo carruur nuujiya. Qoysaska soo barakacay ayaa maalmihii la soo dhaafay  imaanayay xarumaha magaallooyinka iyo xeryaha ay ku jiraa dadkii horay usoo barakacay.

Hay’adda Qaxootiga u qaabilsan Qaramada Midoobay ee UNHCR ayaa sannadkan 2022 u baahan lacag dhan US$157.5 milyan si ay u gaarsiiso gargaar ku dhawaad 2.9 milyan oo qof oo ku barakacay gudaha Soomaaliya, kuwaas oo 40,000 oo kamid ah ay yihiin qaxooti soo laabtay, 31,000 waa qaxooti iyo magangalyo doon, iyo ilaa 15,000 oo ah dad cusub oo ka yimid Itoobiya iyo dalal kale.

Hassan Istiila, Hiiraan Online
[email protected]