5/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 13, 2022
Xulka qaranka Soomaaliya oo bar-bar dhac la galay koox ka dhisan dalka Tanzania
Astaan Sports

Axad, Maarso, 13, 2022 (HOL) - Xulka qaranka Soomaaliya ayaa xalay dalka Tanzania kulan saaxiibtinimo kula cayaaray kooxda Young Africans oo hoggaamineysa tartanka kubadda cagta ee dalkaasi.

Kulanka oo ahaa mid xiisa badan ayaa ciyaartooyda Soomaaliya waxaa ka muuqday dhiirranaan, diyaar-garow iyo isbeddel cusub, iyadoona uu hoggaaminayay macalinka cusub ee xulka Hendrik Pieter De Jongh.

Ciyaartii xalay ayaa ku dhammaatay Somalia 1- 1 Young Africans. Xulka Soomaaliya waxaa goosha u dhaliyay Zakariya Xasan kaddib markii caawin uu ka helay Yonis Faarax.

Xulka Soomaaliya ayaa isku diyaarinaya cayaaraha is-reeb-reebka koobka Africa Cup of Nations (AFCON) 2023. Xulka Soomaaliya ayaa wajihi doona xulka Eswatini wareega hor-u-dhaca ah ee is-reeb-reebka maalmaha soo socda.

Cayaartooyda xulka qaranka Soomaaliya oo sannadkan u badan kuwo ka cayaara dalka dibadiisa ayaa magaalada Daarasalaam ee dalka Tanzania ay u noqon doontaa gurigooda oo ay ku martigeliyaan kooxaha kale, maadaama dalka Soomaaliya aan lagu cayaari karin kulamo heerkoodu sarreeyo.

Hassan Istiila, Hiiraan Online
[email protected]