7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 13, 2022
Doorasho tartan adag oo Maanta ka dhaceysa magaalada Gaalkacyo

Axad, Maarso, 13, 2022 (HOL) - Waxaa Maanta oo Axad ah lagu wadaa in magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug iney ka dhacdo doorashada sadax kursi oo ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya ee deegaan doorashadoodu tahay magaalada Gaalkacyo.

Guddiga doorashada Galmudug ayaa sadaxda kursi ee Maanta doorashadoodu dhaceyso u diiwan geliyay iney ku tartamaan 11 Musharax oo dhamaantood rag ah.

Kursiga koowaad ee dooraahada Maanta ka dhacaysa Gaalkacyo oo sumadiisu yahay HOP 069, waxaa markale u taagan inuu u tartano Cabdiraxmaan Xuseen Odaawa oo lasii sheegayo in Musharaxa la tartamayo inuu yahay Malxiis u tanaasuli doono, waxaana kursiga Shalay tartankiisa ka tanaasulay wasiir ku xigeenka Warfaafinta Cabdiraxmaan Alcadaala.

Labada kursi ee kala ah tirsigooda HOP 038 iyo HOP 095, ayaa lasoo warinayaa iney yihiin labada kursi ee ugu tartanka adag doorashada Maanta ka dhaceysa Gaalkacyo, waxaana labadaasi kursi isku diiwaan gelisay ilaa sagaal Musharax.

Maamulka Galmudug ayaa ka mid ah maamulada si dardarta leh kuwada qabashada dooraahada kuraasta Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dalka Soomaaliya, iyadoona waqtiga loo qabtay in lasoo gabagabeeyo ay ka harsan tahay laba maalmood oo kaliya.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online