7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 13, 2022
Aadan Faarax oo noqday qofka labaad ee ugu awoodda badan Xisbiga Barwaaqo ee haya talada dalka Itoobita

Axad, Maarso, 13, 2022 (HOL) - Shirwaynahii Xisbiga Barwaaqo ee haya talada dalka Itoobiya oo galay maalintiisii labaad, ayaa galinkii dambe ee shalay waxay xubnaha xisbigu ku doorteen Madaxwaynaha Xisbiga iyo labo ku xigeenno ah.

Abiye Axmed oo ah Raysal wasaaraha Itoobiya ayaa loo doortay inuu noqdo Madaxwaynaha Xisbiga Barwaaqo, halka ku xigeenno loo doortay Aadan Faarax iyo Demeke Mekonin.

Aadan Faarax ayaa horey xilal kala duwan kasoo maray dowladda Itoobiya, isagoo sidoo kale xilal kasoo qabtay dowlad degaanka Soomaalida iyo Ismaamulka Diridhabe ee dalka Itoobiya.

Aadan Faarax wuxuu noqonayaa shaqsigii u horreeyay ee Soomaali ah ee gaara mid kamid ah xilalka u sareeya ee dalka Itoobiya, isagoo yeelanaya awoodda labaad ee xisbiga haatan majaraha u haya dalka Itoobiya.

Maamulladii hore ee soo maray dalka Itoobiya, Soomaalidu waxay ahaayeen kuwo inta badan aan helin wax xuquuq ah amase aan soo dhaafin dowlad degaankooda, inta badana waxaa dhici jiray in shirarka ama kulannada fadaraalka ka socda ay ka ahaadaan dhagaystayaal ama kasoo qayb galayaal un, aan talada dalka Itoobiya wax laga siin.

Balse wixii isbaddalkii ka dambeeyay Soomaalidu waxay noqdeen kuwo ka dhex muuqda siyaasadda dalka Itoobiya, isla markaana iyagu fadhiya miiska looga taliyo dalka Itoobiya, siduu hadda ka hor sheegay Madaxwayne Mustafe cagjar.

Dadka ka soojeeda dowlad degaanka Soomaalida ayaa bogaadiyay xilka shalay loo doortay Aadan Faarax ee ah Madaxwayne ku xigeenka Xisbiga Barwaaqo, oo ah xisbiga haya talada dalka Itoobiya.

Abdilahi Jawhar, Hiiraan Online
[email protected]