7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 13, 2022
Madaxweynaha Somaliland iyo wafti uu hogaaminayo oo safar ugu ambo baxay dalka Maraykanka

Axad, Maarso, 13, 2022 (HOL) - Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo wafti ka kooban wasiiro, aqoonyahan iyo ganacsato oo uu hogaaminayo, ayaa shalay galab safar ugu ambo baxay dalka Maraykanka.

Wasiirka Warfaafinta Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali Koore, oo waraysi gaar ah siiyay BBC Somali, ayaa sheegay in ay Maraykanka kala hadli doonaan waxkasta oo ay u arkaan danta Somaliland, warar sheegaya in Maraykanku uu Somaliland ka doonayo saldhig ciidan ayuu wasiirku kaga jawaabaay in ay aqbali doonaan waxkasta oo danta Somaliland ku jirto.

Madaxweynaha waxa safarka ku wehelinay wasiirrada wasaaradaha arrimaha gudaha, Mudane Maxamed Kaahin Axmed, Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta, Mudane Saleebaan Yuusuf Cali-koore, Ganacsiga, Mudane Maxamuud Xasan Sacad (Saajin) iyo Deegaanka, Marwo Shugri Xaaji Ismaaciil Baandare, Mudane Jaamac Muuse Jaamac iyo Xubno ka mida Ganacsatada.

Wasiirka Arrimaha  Dibadda Ciise Kayd Maxamuud ayaa isagu wafiga ku sugaya magaalada Washintong. Xubnaha waftiga ayaa ku dhoofay baasboorka dibilumaasiga ah ee Somaliland.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online