7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 12, 2022
Xildhibaan Qoone oo 17 sano kadib ka tanaasulay inuu markale u tartamo kursiga HOP 004
 

Sabti, Maarso, 12, 2022 (HOL) - Xildhibaan Maxamed Xasan Ibraahin Qoone oo ka mid ahaa Mudanayaasha Baarlamaankii 10-aad es dalka Soomaaliya oo maalmahii lasoo dhaafay ku sugnaa magaalada Baledweyne oo ay ka socoto doorashada kuraasta Golaha Shacabka, si uu markale uga mid noqdo Baarlamaanka 11-aad ee dalka ayaa Maanta shaaciyay inuu isaga baxay tartanka doorashada kursiga HOP 004 oo uu ku fadhiyay dhowrkii sano ee lasoo dhaafay.

Xildhibaan Qoone oo ka mid ah Mudanayaasha deegaan doorashadoodu tahay magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa kursiga HOP 004 oo ku matalaayay Beesha Cabdalle Samatalis mudadii 17-ka sano aheyd ee lasoo dhaafay.

Loolan adag oo loogu jiro kursiga Qoone uu ku fadhiyay ku dhawaad 20 sano ayaa waxaa sabab u noqotay inuu isaga tanaasulo u tartamida kursiga HOP 004 in beesha kursigaasi iska leh iney si weyn u daneynayaan inuu isbadal cusub ku yimaado kursiga.

Tanaasulka Qoone ayaa imaanaya xili doorashada kuraasta Beelaha Xawaadle ee Baledweyne lagu dooranayo oo laba ka mid ah haatan la doortay ay kusoo baxeen Xidhibaano isbadal cusub ku yimid, waxaana beelaha Xawaadle inta badan ay si weyn u daneynayaan in isbadal ku sameeyaan kuraasta Xildhibaanada Golaha Shacabka ku matalaayay sanadahii lasoo dhaafay.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online