7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 12, 2022
Somaliland: Harimacad si sharci daro ah looga ganacsanayay oo la qabtay
 

Sabti, Maarso, 12, 2022 (HOL) - Wasaarada Deegaanka iyo Horumarinta Reer-miyiga Somaliland, ayaa ku guulaysatay in ay gacanta kusoo dhigto 4 harimacad oo sifo sharci daro ah dibada loogu dhoofinayay.

Waxa sidookale gacanta lagu soo dhigay 5 eedaysane oo la sheegay in ay harimacadka sifo aan sharci ahayn uga ganacsanayeen, sida ay sheegtay Wasiirka Deegaanka Somaliland Shukri Xaaji Ismaaciil Boondare.

"Maanta waxaa lasoo qabtay 4 harimacad, 5 nin ayaa lagu soo qabtay, waxayna ahayd guul wayn oo wasaarada iyo dadkii nala shaqaynayayba runtii usoo hoyatay, waayo wuxuu ahaa howlgal adag" ayay tidhi wasiir Boondare.

Wasiirka ayaa u mahad celisay muwaadiniin ay sheegtay in ay halganka qabashada ganacsatada ugaadha ka caawiyeen, iyadoo sheegtay in dadkaasi ay harimacadka iyo qoladii dhoofinaysayba gacanta ku dhigeen xili booliiska iyo tuugadu is bursanayeen.

Waxay sheegtay in eedaysanayaasha la horgayn doono maxkamad, oo sharciga la marin doono, waxayna ku dar daarantay in ugaadha duurka loo daayo. Ka ganacsiga duur-joogta, ayaa sharci daro ka ah cariga Somaliland, waxaana dhacda in sannadkasta gacanta lagu dhigo noocyada kala duwan ee duur-joogta oo la dhoofinayo.



Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online