7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 12, 2022
Madaxweynaha Angola oo warqadaha safiirnimo ka guddoomay safiirka Soomaaliya ee Afrikada Koonfureed
 

Sabti, Maarso, 12, 2022 (HOL) - Madaxweynaha dalka Angola João Lourenço ayaa warqadaha aqoonsiga safiirnimo ka guddoomay danjirayaasha magacaaban ee dalalka Markeykanka, Saudi Arabia, Israeli, Portugal, Spain, Burundi, Indonesia iyo Soomaaliya.

Danjire Maxamed Cali Mire waa danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalalka Afrikada Koonfureed oo uu kamid yahay dalka Angola.

Danjiraha ayaa madaxweyne João Lourenço u gudbiyay salaan iyo fariin uu ka waday Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo, isagoo sheegay in dowladda Soomaaliya diyaar u tahay adkeynta xiriirka labada dal iyo iskaashiga dhinacyada dhaqaallaha, siyaasada, dhaqanka iyo diblomaasiyada.

Madaxweynaha dowladda Angola ayaa dhankiisa sheegay in ay diyaar u yihiin sara u qaadida xiriirka labada dowladood si ay labada dhinac wax u wada qabsadaan.

Dabayaaqadii bishii Augusto ee sannadkii hore xoghayaha joogtada ee Wasaarada Arimaha Dibadda Soomaaliya Maxamed Cali Nuur Xaaji, ayaa nuqul kamid ah warqadaha aqoonsiga ka gudoomay safiirka Angola ee dalka Soomaaliya Sianga Kivuila Samuel Abilio.

Hassan Istiila, Hiiraan Online
[email protected]