7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 12, 2022
Faysal Cali Waraabe: Madaxweynaha yaan lagu mudaharaadin
 

Sabti, Maarso, 12, 2022 (HOL) - Guddoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe, ayaa dadka siyaasad ahaan kasoo horjeeda madaxweynaha Somaliland ugu baaqay in anay wax mudaharaad ah samaynin, marka madaxweynuhu Maraykanka tago.

Faysal ayaa sheegay in dadka reer Somaliland ee ku dhaqan cariga Maraykanka ay u banaantahay in ay waydiiyaan wixii su'aalo ah ee ay u hayaan, lakiin waxa uu ka codsaday in anay samaynin wax mudaharaad ah oo ay madaxweynaha kaga soo horjeedaan.

"Anagoo eegayna sharafta iyo karaamada ay leeday madaxweynenimadu...inkasta oo Muuse aanu maamuusin haybada ay leedahay dowladnimada iyo madaxnimadu, farsamadeedii, haybadeedii iyo dhaqan keediina aanu lahayn, hadana maanta wuu fadhiyaa, wixii aad waydiin kartaan maamul xumaantiisa iyo ficil xumaantiisa xaq baad u leedihiin, lakin mudaharaadka ka daaya" ayuu yidhi Faysal.

Faysal ayaa sheegay in mudaharaadka ay ku dhex milmi karaan, dadka Soomaalida ah ee kasoo horjeeda qadiyada madaxbannaanida Somaliland, sidaas darteedna waxa uu usoo jeediyay in ay ka fogaadaan wixii mudaharaad ah.

"Yaydaan isku qasmin idinka iyo dadkaa kasoo horjeeda qaranka Somaliland, ee u barooranayaa cadowgii aynu iska xoraynay, taasaan idinka codsanayaa" ayuu yidhi Faysal.

Faysal ayaa sheegay in wixii is afgaran waa ah ee ka dhexeeya mucaaradka iyo madaxweynaha ay kula balameen in ay kala hadlaan marka uu safarka kasoo noqdo. Madaxweynaha ayaa la filayaa in uu safar ugu amba baxo dalka Maraykanka maanta galinka danbe.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online