7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 12, 2022
Guddiga Doorashada Koonfur Galbeed oo shaaciyay jadwalka qabashada doorashada kuraastii ugu dambeysay Koonfur Galbeed
 

Sabti, Maarso, 12, 2022 (HOL) - Guddiga doorashooyinka maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa soo saaray jadwalka qabashada doorashada 7 kursi oo ahaa kuraasta ugu dambeysa ee deegaan doorashadoodu tahay magaalada Baydhabo iyo guud ahaan Koonfur Galbeed.

War qoraal ah oo kasoo baxay guddiga doorashada Koonfur Galbeed ayay ku sheegeen in diiwaan gelinta Musharaxiinta kuraastaan ay bilaabaneyso 14-ka bishaan Maarso oo ku beegan Maalinta Isniinta, islamarkaana doorashada 7-da kursi la qaban doono 15-ka bishaan Maarso oo ku beegan maalinta Talaadada ah ee soo socota.

Kuraasta guddiga dooraahada Koonfur Galbeed ay shaaciyeen jadwalkooda ayaa kala ah HOP181, HOP 204, HOP 197, HOP 179, HOP 164, HOP 172, HOP 047.

Maamulka Koonfur Gableed ayaa noqon doono, hadii uu doorashadan 7-da kursi uu qabto maamulkii labaad ee dhameystira doorashada kuraasta Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dalka Soomaaliya, waxaana maamulkii ugu horeeyay noqday guddiga doorashada gobolada Waqooyi ee Soomaaliland oo dhameystirtay doorashada kuraasta labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Hoos ka akhriso Jadwalka Doorashaada kuraasta Koonfur Galbeed ee la shaaciyay:-


Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online