7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 12, 2022
Guddiga Doorashada Hirshabeelle oo shaaciyay qabashada Doorashada Afar kursi oo ka mid ah kuraasta Baledweyne taala
 

Sabti, Maarso, 12, 2022 (HOL) - Guddiga doorashada maamulka Hirshabeelle ayaa shaaciyay qabashada doorashada afar kursi oo ka mid ah kuraasta Gollaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dalka Soomaaliya, kuwaas oo deegaan doorashadoodu tahay magaalada Baledweyne.

War qoraal ah oo kasoo baxay guddiga doorashada Hirshabeelle ayaa lagu sheegay in guddiga uu qabanaayo doorashada afar kursi oo ka mid ah kuraasta ugu tartanka adag oo ay ku fadhiyaan Xildhibaano caan ah, islamarkaana qaarkood Mucaarad xoogan ku ahaa Dowlada madaxweyne Farmaajo.

Guddiga ayaa sidoo kale sheegay in Maalinta berito ah ay bilaabaneyso diiwaan gelinta Musharaxiinta, iyadoo maalinta xigta ee Isniinta ahna oo taariiqda ku beegan tahay 14-ka bishaan Maarso ay qabanayaan doorashada afarta kursi.

Afarta kursi ee doorashadoodu ay shaaciyeen guddiga doorashada Hirshabeelle ayaa sumadoodu kala tahay HOP 004, HOP 011, HOP 063, HOP 135, kuwaas oo ay ku fadhiyeen Afartii sano ee lasoo dhaafay Xildhibaanada kala ahaa Maxamed Xasan Qoone, Cabdirisaaq Cumar Maxamed, Cabdulaahi Goodax Barre iyo Aamino Maxamed Cabdi.

Hoos ka akhriso jadwalka doorashada Afarta Kursi ee Hirshabeelle Shaacisay:-


Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online