7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 12, 2022
Dowladda Uganda oo ka hadashay mustaqbalka ciidamadeeda ku sugan Soomaaliya markuu dhamaado howlgalka AMISOM
 

Sabti, Maarso, 12, 2022 (HOL) - Dowladda Uganda ayaa sheegtay in ciidamadeeda milatariga ay sii joogi doonaan gudaha Soomaaliya inkasta oo uu dhamaanayo barnaamijka howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM).

Howlgalka AMISOM ayaa soo idlaaday 21-kii December, balse waxaa lagu heshiiyay in la kordhiyo ilaa 15-ka March 2022-ka.

Afhayeenka ciidamada Uganda Brig Felix Kulayigye, ayaa sheegay in ciidanka Uganda ay kamid ahaanayaan shaqada cusub ee howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS).

Uganda waxaa ka jooga Soomaaliya in ka badan 6,000 oo askari oo ka tirsan AMISOM, waxayna door muuqda ka qaateen dagaalka Shabaab iyo xoraynta magaaloyin istaraatiiji ah sida Kismaayo.

Brig Kulayigye ayaa sheegay in inkasta oo la dhimi doono ciidamada AMISOM, haddana go’aanka tirada lagu sii hayn karo Soomaaliya ayuu sheegay in la go’aamin doono marka uu dhammaado AMISOM.

Midowga Afrika iyo dowladda Soomaaliya ayaa isku raacay howlgalka cusub ee ATMIS inuu bilowdo bisha soo socota ee Abril. Golaha ammaanka ayaa laga sugayaa inuu meel mariyo howlgalkan cusub.

Balse waxaa jirta digniin laga bixinayo in ciidamada Shisheeye ay si lama filaan ah uga baxaan Soomaaliya, maadaama ay taasi ku dambeyn karto in dalka ay dib ugu soo celiso gacan ku haynta Al-Shabaab.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online