7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 12, 2022
Taliye Dabgale: Soomaaliya nabadgalyada kama wada shaqayn karno
 

Sabti, Maarso, 12, 2022 (HOL) - Taliyaha Ciidamada Booliiska Somaliland Maxamed Aadan Saqadhi Dabagale, ayaa sheegay in ka ciidan booliis ahaan ay wada shaqayn la leeyihiin dhamaan waddamada jaarka marka laga reebo dowlada Soomaaliya, oo uu sheegay in anay wax wada shaqayn ah la lahayn.

"Waddamada jaarka xog wadaag ayaanu leenahay marka laga reebo Soomaaliya, Itoobiya xog iswaydaarsi ayaanu leenahay, Jabuuti waanu leenahay, dowlada badan oo kale ayaanu leenahay, Koonfur Afrika, Ingiriiska ayaanu leenahay," ayuu yidhi Dabagale.

Taliye Dabagale oo kasoo muuqday filim uu wariye Cabdisalaan Herari, wax kaga ogaanayay shaqada Booliiska Somaliland, ayuu herari waydiiyay sida uu u arko in dowlada Soomaaliya ay kala shaqeeyaan xaga nabad galyada, waxaanu ku jawaabay in Somaliland anay Soomaaliya kala shaqayn karin nabadgalyo ilaa oo siyaasada laga heshiiyo.

"Khalad baan u arkaa waa in aynu siyaasada ka heshiino horta, siyaasada oo laga heshiiyo mooyaane nabad galyana kama wada shaqayn karno, iskumana iman karnaba" ayuu yidhi Taliye Dabagale.

Laamaha amaanka Somaliland ayaa wada shaqayn iyo xog is waydaarsi la leh, dhamaan wadamada jaarka marka laga reebo xukuumada Soomaaliya, labada dhinac oo siyaasada aad ugu kala fog awgeed.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online