7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 12, 2022
Wasaarada difaaca Mareykanka oo oggaatay waxa sahlay weerarkii al Shabaab ee saldhiga ciidanka Mareykanka ee Kenya
 

Sabti, Maarso, 12, 2022 (HOL) - Baaritaan cusub oo ay sameysay wasaarada difaaca dalka Mareykanka ee Pentagon, ayaa lagu oggaaday khaladaadkii sahlay weerarkii al Shabaab ay ku qaadeen saldhig ay leedahay dowladda Kenya balse ay isticmaalayeen ciidanka dowladda Mareykanka.

Baaritaan ay sameeyeen taliska ciidamada Mareykanka ee Afrika (Africom) iyo baaritaan kale oo madax banaan ayaa lagu oggaaday in weerarkaasi ay fuliyeen 30 ilaa 40 kamid ah dagaalyahanada kooxda Al Shabaab.

Askari Mareykan ah oo lagu magacaabo Spc. Henry Mayfield iyo laba qandaraasle Mareykan ah, Bruce Triplett iyo Dustin Harrison, ayaa lagu dilay weerarka oo dhacay 5-tii bishii January ee sannadkii 2020, halka lix diyaaradood oo qandaraasleyaal rayid ah ay ku waxyeeloobeen weerarka.

Wasaarada difaaca dalka Mareykanka ee Pentagon ayaa sheegtay in khaladaadka dhanka wadaagga macluumaadka sirta, amniga iyo hoggaanka ay u gogol xaareen in al Shabaab ay weeraraan saldhiga Manda Bay ee dalka Kenya.

"Umaan diyaargaroobin sidii aan u baahneeyn." Madaxa howlgalka Africom Gen. Stephen Townsend ayaa yiri.

Saldhiga la weeraray waxaa uu ku yaala xeebta, waxaana uu u dhowyahay xuduudka Soomaaliya. Weerarka waxaa uu kusoo aaday labo maalmood kaddib markii diyaaradaha Maraykanka ee aan duuliyaha lahayni ay amar ku bixiyeen in la dilo Jeneral Qasem Soleimani oo ahaa sarkaal sare oo u dhashay dalka Iran.

Balse warbixin ay daabacday jariirada New York Times ayaa tilmaantay in ciidamada Mareykanka ay ku qaadatay ku dhawaad saacad in ay ka jawaabaan weerarka.

Askariga Mareykanka ayaa dhintay markii baasuuke lagu dhuftay gaari kaddibna uu qarxay, walow saaxiibkiisa uu ka baxsaday. Labada qandaraaslayaasha difaaca ee kala ahaa Triplett iyo Harrison, ayaa la dilay markii ay dableydu weerar ku qaadeen diyaaradii ay wateen oo xilligaasi rabtay in ay duusho, waxaana dab qabsaday diyaaradooda.

Weerarka ayaa noqonaya kii ugu dhimashada badnaa ee ciidamada Mareykanka ay kala kulmaan qaarada Afrika tan iyo bishii October ee sanadkii 2017-kii markaas oo weerar gaadmo ah oo ka dhacay dalka Niger lagu dilay afar askari.

Hassan Istiila, Hiiraan Online
[email protected]