5/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 10, 2022
Guddoomiye Xirsi: Doorashada waxa diidan xukuumada wakhtigeedu sii dhamaanayo
 

Khamiis, Maarso, 10, 2022 (HOL) - Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Waddani Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa xukuumada Somaliland ku eedeeyay in ay ka war wareegayso in ay doorashada wakhtigeeda ku qabato.

Waxa uu sheegay in madaxweynaha iyo xukuumadiisu ay mad madow galiyeen, arrimaha doorashada, isla markaana ay caddayn waayeen mowqif kooda ku aadan doorashada.

"Shirkani wuxuu ku saabsanaa, arrimihii doorashada ee taagnaa oo maxweynaha iyo xukuumadiisu mad madow galiyeen, mawqif koodana ay caddayn waayeen, iyo hadalo iska hor iyo daba imanaya oo aan is leeyahay waa dulsaar" ayuu yidhi Xirsi.

Waxa kale oo uu sheegay in ka mucaarad ahaan ay diyaar u yihiin doorashada madaxtooyada ee ku beegan bisha November ee sannadkan, shacabkana ay ugu baaqayaan in ay doorashada u diyaar garoobaan.

"Xisbiyada mucaaradka mawqifkoodu wuxuu yahay in doorashadii la abaaro, 13 November waa xiligii xilka madaxweynuhu dhamaanayay markaa shacabka waxaanu leenahay doorashada haloo diyaar garoobo" ayui yidhi Xirsi.

Xukuumada ayuu ku eedeeyay in ay doorashada diidantahay "Doorashada waxaa diidan xukuumada wakhtigeedu sii dhamaanyo".

Xisbiyada mucaaradka Somaliland ayaa xukuumada Somaliland ku eedaynaya in ay maagantahay in ay doorashada madaxtooyada dib u dhigto.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online