5/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 10, 2022
Doorashada sadax kursi oo ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka oo Maanta ka dhacday magaalada Baledweyne


Khamiis, Maarso, 10, 2022 (HOL) - Guddiga hirgelinta doorashada maamulka Hirshabeelle ayaa Maanta magaalada Baledweyne ku qabtay doorashada sadax kursi oo ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dalka, kuwaas oo deegaan doorashadoodu tahay Baledweyne.

Kursiga koowaad ee doorashadii Maanta ka dhacday Baledweyne oo tirsigiisu yahay HOP 030 waxaa kusoo baxay Daahir Amiin Jeesow, kadib markuu tanaasulay Musharaxii la tartami lahaa ee Cali Cabdullaahi Xeefow, waxaana hab gacan taag ah oo loogu codeeyay Xildhibaan Jeesoow uu helay dhamaan codadkii ergada oo ahaa 101 cod.

Kursiga labaad oo tirsigiisu yahay HOP 010, waxaa ku guuleystay Cabdiraxmaan Axmed Cismaan Gureey oo helay 90 cod, kadib markuu tanaasulay musharax Cabdinaasir Maxamuud Cabdi, waxaana kursiga horay ugu fadhiyay Cabdirisaaq Jindi.

Kursiga sadaxaad ee doorashada Maanta ka dhacday Baledweyne oo ahaa midkii ugu tartanka adkaa doorashada kuraasta Baledweyne taala ee la doortay waxaan kursiga kuwada tartamay sadax musharax oo kala ahaa Cabdimaalik Cabdalla, Cabdi Daahir Guure, iyo Cumar Cismaan Waasuge oo horay ugu fadhiyay kursiga, waxaana tartanka adkaa kuso baxay Cabdimaalik Cabdalla oo helay 58 cod, halka Cabdi Daahir Guure uu helay 30 cod, iyadoo Cumar Cismaan oo ahaa Xildhibaankii hore uu helay 7 cod.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online