5/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 10, 2022
Faysal Cali Waraabe oo sheegay in madaxweynaha Somaliland balan kaga baxay
 

Khamiis, Maarso, 10, 2022 (HOL) - Guddoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe, ayaa madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ku eedeeyay in uu dhibaatooyin gaystay intii uu xilka hayay, isla markaana uu doonayo in uu mudo kordhis samaysto, waxa kale oo uu sheegay in uu balantii doorashada kaga baxay.

Waxa uu Faysal ku andacooday in madaxweyne Biixi noqoday madaxweynihii ugu mucaaradada yaraa, isla markaana ay mucaaradada  ka yareeyeen, lakiin taa badalkeeda uu sabab u noqday in caalamku Somaliland ka jeedsadaan.

"Muuse wuxuu noqday madaxweynihii ugu nasiibka badnaa ee ugu mucaaradada yaraa, mucaaradada waanu ka ilaalinay, markaanu aragnay siduu u socdo ayaanu nidhi si nabad galyo ah doorashooyinku haku dhaceen, sidaaso kale ayay ajinabigii ka niyad jabeen, Somaliland waa laga jeedsaday, Muuse markii la arkay" ayuu yidhi Faysal.

Waxa uu madaxweynaha ku eedeeyay in uu sabab u noqday in shacabka Somaliland ay niyad jabaan, oo ay Xamar u doontaan kuraas.

"Shacbigii reer Somaliland wuu qaybiyay, eex qabyaalad, caga juglayn, xadhig, waxaynu gaadhnay maanta xili doorashada Xamar ka dhacaysa, ee bakhtiga ah, ee loo bixiyay Dir-waqooyi loo kala dheeraynayo, taas waxa keentay niyad jab uu dalka ku riday Muuse Biixi" ayuu yidhi Faysal.

Waxa uu sheegay in madaxweynuhu uu musharax Cirro kula heshiiyay in doorashooyinkii la guda galo lakin uu balantii kaga baxay "Madaxweynuhu wuu nagaga baxay balantii, Cirro waxay kusoo heshiiyeena wuu ka baxay".

Faysal ayaa madaxweynaha iyo wasiirka arrimaha gudaha ku eedeeyay in ay ku heshiiyeen in Biixi laba sanno loo kordhiyo, kadinba Kaahin la saaro madaxnimada "Labadan kornayl maxay iska iibiyeen?, waxay iska iibiyeen, hadaan Muuse ahay mar labaad ordi maaye, 2 sanno oo kordhis ah ayaan rabaa kadibna adaan ku sharaxaya".

Xisbiyada mucaaradka Somaliland, ayaa aad uga soo horjeestay doonista xukuumada Somaliland ee ku aadan in doorashada ururrada laga soo horaysiiyo, doorashada madaxweynaha.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online