5/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 10, 2022
Ra’iisul Wasaare Rooble iyo safiirka Mareykanka oo ka wadda-hadlay arrimaha doorashooyinka

Khamiis, Maarso, 10, 2022 (HOL) - Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo safiirka dowladda Mareykanka ee Soomaaliya Larry Andre oo maanta magaalada Muqdishu kulan ku yeeshay, ayaa ka wadda-hadlay arrimaha doorashooyinka dalka.

Larry Andre iyo Rooble ayaa isla soo qaaday sida lagama-maarmaan ay u tahay in doorashada xildhibaannada Golaha Shacabku lagu soo gabo-gabeeyo 15-ka bisha bishan Maarso oo ah xilligii ay horay ugu heshiiyeen madaxda Golaha Wadatashiga Qaranka.

Ilaa iyo hadda waxaa la doortay 80% xildhibaannada Golaha Shacabka, waxaana Ra’iisul Wasaare Rooble uu soo dhoweeyay xowliga ay ku socoto doorashada, inkasta oo falanqeeyayaasha siyaasadda ay sheegayaan in doorashada aan lagu soo gabo-gabeyn karin 15-ka bishan.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble, ayaa ugu dambeyntii ka codsaday madaxweyneyaasha dowlad-gobolleedyada in ay doorashada soo gabo-gabeeyaan ugu dambeyn 15-ka Maarso sidii horay loogu heshiiyay.

Dhinaca kale safiirka ayaa sheegay in ay la dhacsanyihiin hoggaaminta Ra’iisul Wasaaraha ee hannaanka doorashada, isaga oo ugu baaqay madaxda maamul-gobolleedyada in doorashada la soo gabo-gabeeyo 15-ka March si shacabka Soomaaliyeed ay u helaan matalaad. Safiirka ayaa caddeeyay in ay ka walaacsanyihiin in dib-u-dhac kale uu dhaawici karo dalka.

Horraantii bishii hore wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka ayaa sheegtay in Mareykanku uu xayiraad dhanka socdaalka ah kusoo rogay shakhsiyaad Soomaali ah, kuwaas oo la aaminsan yahay inay mas'uul ka yihiin, ama ku hawlan yihiin, wiiqista geeddi-socodka Dimuqraadiyadda Soomaaliya.

Hassan Istiila, Hiiraan Online
[email protected]